5 wax oo hargabka lagu daweeyo.
Hargabka caadiga ah waa caabuqa neef-mareenka sare oo keena diif ama sanka oo xirma, cune xanuun, madax-xanuun, qufac, iyo daal.
Inta badan dadka waaweyn waxay la kulmaan ama uu ku dhacaa laba ilaa saddex sannadkii, carruurtuna waxay la kulmi karaan in kabadan 3-jeer.
Halka dariiqa kaliya ee lagu daweyn karo hargabka caadiga ah ay tahay in la nasto oo la daayo inta uu socdo, is-daryeelka, isticmaalka daawooyinka guriga, iyo iska yaraynta daawooyinka farmashiyaha laga iibsado ayaa laga yaabaa inay kaa yareeyaan Hargabka waxayna kaa caawinayaan inaad fiicnaato.
5 wax oo kaa caawinaya inaad hargabka ka ladnaato
1- Is-daryeelka:
Xeeladaha is-daryeelka ayaa kaa caawin kara taageerana habka difaaca jirka marka aad hargab leedahay. Hababkan fudud ee ay ugu horayso daryeelka naftu waxa ay kaa caawin karaan inuusan saamayn badan kugu yeelan hargabku jidh ahaan.
2- Cabbidda biyo badan.
Joogtaynta biyaha had iyo jeer waxay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka wanaagsan, waxayna si gaar ah faa'iido u leedahay marka lala dagaallamo hargabka caadiga ah. Cabitaanka dareeraha saafiga ah sida biyo, maraq, ama biyo diirran oo liin ah ayaa caawiya xabka khafiifka ah ee sanka kaaga, taas oo fududaynaysa in la nadiifiyo sanka.
Qaadashada kabbashooyinka biyaha ama shaaha oo lagu daro geedaha kulul waxay dejin kartaa qufaca kacsan, Iyadoo hargabka caadiga ah uusan u badneyn inuu keeno fuuqbax, haddana qaadashada dareeraha ku filan waxay ka caawisaa ka hortagga fuuq-baxa, taas oo ku sii dari karta calaamadaha qabow sida daal ama madax-xanuun.
3-Biyo cusbo leh ku luqluqo
ku luq-luqashada biyo diirran oo milix ah waa hab fudud oo lagu nafisiyo cune xanuunka si ku meel gaar ah. Biyaha dhanaan oo lagu luqluqdo waxay kaa caawinayaan inay jebiyaan xababka ku yaal qaybta danbe eedhuuntaada waxayna yaraynaysaa caabuqa iyo bararka, taas oo kaa caawin karta inay fududayso xanuunka cunaha.
Si aad u samayso biyaha dhanaan, ku dar qaaddo badhkeed (½) oo milix ah koob biyo diirran,walaaq si aad u hubiso in milixdu si buuxda u milmatay. ku luqluqo ilaa 30 ilbiriqsi oo soo tuf. Waxaad ku celin kartaa luqluqashada biyaha cusbada leh dhawr jeer maalintii.
4- Cun Cuntooyinka xoojiya difaaca jirka
Iyadoo laga yaabo inaadan haysan rabitaan badan marka calaamadaha hargabku ay yihiin kuwa kugu xun, ku kicinta jidhkaaga nafaqooyinka uu u baahan yahay waa mid ka mid ah siyaabaha ugu fiican ee kor loogu qaado habka difaacaaga markaad la dagaalamayso hargab. Cuntooyinka ay ku jiraan nafaqooyinka hodanka ku ah antioxidant-ka iyo anti-inflammatory "ka-hortagga bararka" waxay soo gaabin karaan muddada hargabka caadiga ah waxayna yareeyaan darnaanta calaamadahaaga.
Cuntooyinkan waxaa ka mid ah:
Miraha liinta, canabka strawberries-ka, blueberries-ka, khudaarta cagaaran sida spinach-ka, broccoli-ga, kale-ka, iyo basbaaska cagaaran, Lawska, Cuntooyinka faybarku ku badan yahay sida digirta madow, digirta cagaaran ama Beenska.
5-Hurdo fiican
Haddii aad dareento hoos u dhac iyo daal dheeraad ah, nasi jidhkaaga oo mudnaanta sii hurdo iyo nasasho. Helitaanka hurdo kugu filan waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aad samayn karto si aad jidhkaaga uga caawiso inuu ka bogsado hargab. Inta aad huruddo, habka difaaca jidhkaagu waxa uu soo daayaa unugyo loo yaqaanno cytokines (nooc ka mid ah unugyada "dilaha dabiiciga ah") ee la dagaalama fayraska sida kuwa keena hargabka caadiga ah, taas oo maceheedo yahay haddii aad seexato wakhti fiican jidhkaagu wuxuu soo daynaya cytokines badan.
Xilliga jiifsashada madaxa oo aad barkimo ku kor taagto ama aad qolkaaga ku isticmaasho humidifier ayaa kaa caawin kara inaad si fudud u neefsato.
Post a Comment