MICA, Robot kii ugu horreyay ee maamule ka noqda shirkad kamid ah shirkadaha caalamka.


MICA “Machine Intelligence Knowledge Algorithm” waa Robotkii ugu horreeyay ee CEO ka moqda shirkad kamid ah shirkadaha Technologyga ee caalamka,

      Mica waxay CEO ka tahay Companyga Dictador oo ku yaalla salka Poland.



shaqooyinka maalinlaha ah ee ay Mica qabato waxaa ka mid ah:

 inay doorato Artistis-ka design gareeyaya Dhalooyinka ama quraaradaha Brand-ka.
Inay la socoto shaqooyin hoosaadka company ga.
Inay verify garayso liiska macaamiisha joogtada ah ee shirkdda iyo inay wax ka soo saarto go'aanada ugu danbeeya ayna raaciso sababta iyo suurtagalnimada go'aannka.

Sidookale MICA uma baahna wax weekend ama fasax ah waxayna shaqaysaa 24/7 iyadoo si degdeg ah u qaadan karta go'aan kasta oo macquul ah.


MICA wayaalaha aysan Awoodda u lahayn waxaa kamidah inaysan shaqaale qaadan karin, mid horay u joogayna aysan eryi karin ama shaqada ka fadhiisin karin.


Taariikhda

MICA waxa isla Sameeyay labo shirkadood ee Dictador iyo Hanson Robotics.

Hanson Robotics waxa 2016 waxay Samaysay Sophia oo lagu tilmaamayay inay burburin karo bani aadamka.

Madaxwaynaha Dictador ee Eorope waxa uu ku faanayaa inay sifiican u qaabeeyeen ugana taxadareen shaqooyinka ay u qabanayso Mica, waxaanu leeyahay waxay iftiin iyo Horumar wanaagsan u tahay shirkadooda iyo caalamka guud ahaanba.

Maamulaha ama CEO ga shirkadda Hanson Robotics waxa bilowgii muhiim u ahayd in Mica loo tababaro  lana geeyo booska ay maanta joogto ama boos maamul oo kale, isagoo la hadlay Fox Business waxa uu carrabka ku adkeeyay in muhiimadda ay leeyihiin Ai robotska dadka loo ekaysiiyay shaqo ahaan waxaanu yiri "Aad ayaan u dareemayaa in aanu u baahannahay in aynu Ai ga barni inay daryeesho Bani aadamka, inay noqoto safe waxaanna filayaa in ay tani tahay mid aad muhiim u ah" 

Ai(Arificial intelligence) oo soomaali ahaan ku noqonaysa Garaadka Macmalka ah waxa uu sannadihii u danbeeyay sii noqonayay mid isticmaalkiisu aad u sii baahayo, wakhtixaadirkan la joogo waxaa soo baxaya Humanoid Robots oo ah Robots loo ekaysiiyay muuqaal ahaan Baniiaadamka Shaqo ahaanna qabanaya shaqooyinkii uu caanka ku ahaa baniaadamku, sida Maamulidda, la sheekaysiga iyo u fekeridda si xor ah ama inay fakaraan iyadoon horay loogu programing. 
Waxaa jira Humanoid Robots caan ah oo ay ka mid yihiin Sophia, Mica,Ameca iyo kuwo kale oo badan.

No comments

Powered by Blogger.